Maxaad ubahantahay inaad ka’ogaato hada Corona ha (Somali)

Shakhsi walba naftooda waa iska difaaci karaan, dadka waawayn iyo kuwa xanuun hore qababa cudurka coronavirus iyadoo ey ku xirantahay dhaqankooda. Siyaasiyiintu waxay qaadeen tallaabooyin ey ku afjarayaan faafka fayraska, ka hortageen ka tan baditaanka nidaamka caafimaadka iyo yaraynta cawaaqibta dhaqaale ee caabuqa. Dawalada federaalka waxay bixisaa xog ku aadan xaalada haddeertaan coronaviruska iyadoo isticmaaleysa janaalo iyo luuqado kala duduwan. Xogta ugu muhiimsani halkan ayaa lagu soo aruuriyey.
 

Talooyinka caafimaad iyo dhaqan

Kuwa soo socda sidookale waa la dhaqangaliyaa: Yaree ku dhawaanshaha dadka kale sida ugu macquulsan oo naftaada ku xadid koox dad oo joogto ah. Kulamada gaarka ah waxaa kaliya loo oggolyahay 1 qof oo aan ka tirsanayn qoyiskaada (caruurta ilaa 14 sanno jirka ah oo kasoo jeeda qoyiska ma xisaabsana). Haddii xaalada caabuqa ey oggolaato, maamulada federaalka waxay soo saari karaan shuruuc kala duduwan.

Waxa muhiimka sii ahaanaya: Joogtee masaafo ugu yaraan ujirta dadka kale 1.5 mitir, dhaq gacamahaaga si joogto ah oo daran, xiro maaskaro oo dabooleysa afka iyo sanka, si joogto ahna hawo nadiif ah uqaado. Waajibaadka ah in la xirto maaskarada caafimaadka, sida, mida loogu yeero maaskarada qalliinka ama maaskarada difaacaysa qeybta neefsashada sida laga soo xigto xeerka FFP2 ama comparable, waxaa lagu isticmaalaa dukaamada iyo gaadiidka dadwaynaha.

Tijaabooyinka corona ee caadiga ah:
Tijaabooyinka degdega ah waa qeyb muhiim u ah samaynta xiriiro oo sidaan ka fiican oo ka badqabsan. Laga bilaabo Abril 2021, qof walbo oo Jarmalka jooga wuxuu qaadan karaa tijaabo degdeg ah ugu yaraa halmar asbuucii. Dhamaan shirkadaha waxaa ku waajib ah iney shaqaalahooda kuwa aan guriga kasoo shaqayn siiyaan labo tijaabo asbuucii.

Waxaad kaheli kartaa talooyinka dhaqamada caafimaadka qaab luuqado badan ah Wasaarada Caafimaadka ee Federaalka.

Sida malaayiin dad ah oo Jarmalka ku noolba, isticmaal apka digniinta Corona ee Dawlada Federaalka. Xadba inta dad badan ka qaygala, ayuu apka uu waxtar ugu leeyahay inuu na difaaco.

Tallaalka Corona

Tallaalka corona waxaad kaabi kartaa difaaca naftaada, qoyiskaada iyo kuwa ugu nugul. Qaynuunka tallaalka wuxuu sharaxayaa cida la tallaalayo iyo goorta:

  • mudnaanta waxaa la siinayaa tusaale ahaan dadka ka wayn 80-sanno, dadka iyo shaqaalaha ku nool xarumaha dadka da”ada ah lagu xanaaneeyo iyo goobaha dadka dhimirka lagu xanaaneeyo, shaqaalaha sida gaarka ah xalista ugu jira ee goobaha caafimaadka
  • kadib, tusaale ahaan, dadka da”adooda udhaxeysa 70-80 sanno oo qaba tresomi 21, waalida, bukaanada xubin laga bedelayo, dadka ku jira qaabilitaanka la wadaago, dadka qaar ee xiriirada sameeya ama shaqaalaha goobaha daryeelka maalinlaha ah, iskuulada hoose ama iskuulada baahiyaha gaarka ah
  • sidaa si lamida, tusaale ahaan, 60-70 sanno jirada, dadka leh taariikh caafimaad, dab-damiska iyo booliiska, shaqaalaha dugsiyada sare iyo tafaariiqlyaasha

Qofwalba oo goobtooda deegaan ama goobta ey iska joogaan eytahay Jermalka ama ka shaqeeya goobaha qaar ee daryeel ee Jermalka, laakiin aan ku nooleyn halkan, ayaa xaq uleh tallaalada.

Talaalku waa go”aan shakhsiyeed waxaana lagu bixiyaa si bilaash ah goobaha tallaalka ama xafiisyada diktoorka. Adigoo wacaya khadka tooska ah ee 116 117, waxaad ka war dooni kartaa goobta iyo halka laguugu tallaali karo.

Tallaalda waxaa si aad ah loogu tijaabiyey dulqaadashada, badqabka iyo wax-ku-oolnimada. Xitaa tallaalka kadib, kuwaan soo socda waa lagu dhaqmaa: Ilaali masaafadaada oona xiro maaskarada wajiga!

Nolosha banaankaah ah iyo mida bulshada

Gobalada Federaalka waxay soo saareen qawaaniin lagu xadidayo xiriirada nolosha maalinlaha iyo mida bulshada. Intaa waxaa dheer ka socota XX. Abriil 2021 xeerarka Jermalka oo dhan oo lagu xakamaynayo caabuqa corona:

Haddii saddex maalin oo xariirta ah degmo ama deegaan magaalo tirada cusub ee cudurka ey ka badato 100 qof 100,000 qofa ee 7-dii maalin ee u damabaysa (dhacdo ka badan 100), xeerarka adag ayaa si toos ah u dhaqangalaya:

  • Kulamada gaarka ah: 1 Qoyis wuxuu ugu badnaan la kulmi karaa 1 qof oo dheeri ah gudaha ama banaanka (caruurta ilaa 14 sanno jirka ah ma xisaabsano).
  • Hayndaabyada bixitaanka: Haka tagin guriga inta udhaxeysa 10 p.m iyo 5 a.m. Marka laga reebo: Socoshada qof kaligii ama samaynta ciyaar ilaa saqda-dhexe ama sabab muhiim ah (shaqo, xaalada degdeg ah oo caafimaad).
  • Dukaamada, dukaanka khudaarta iyo waxyaabaha degedega loogu baahanyahay ee maalinlaha ah way furnaanayaan (farmashi, farmashiga indhaha, dukaanka daawooyinka, xafiisyada boostada, bangiga, dukaamada buugaagda, xarunta beerta). Dukaamada iyo xafiisyada kale waxaa kaliya la booqan karaa adigoo haysta ballan aadna bixineysid tijaabo negatif ah waan in laxiraa haddii dhacdadu ey ka badato 150.
  • Xarunta iskuulka iyo xanaanada maalinlaha ah: Macalimiinta iyo ardayda waa in la tijaabiyaa 2 jer asbuucii si ey fasalka u xaadiraan. Haddii dhacdadu ey ka badato 165, barista fasalada waa la mamnuuci doonaa (waxyaabaha laga reebi karo: Fasalada qalinjabinta) mana jireyso daryeel joogto ah ee xarumaha daryeelka maalinta.
  • Bulkeeriyada way furnaan doonaa, laakiin tijaabo negatif ah ayaa loo baahanyahay.
  • Hudheelada way xirnaanayaan, laakiin kasoo-qaadist iyo adeegyada gaarsiinta waa macquul.
  • Xarumaha dhaqanka iyo tamashada way xirnaanayaan (tus. shaneemooyinka, tiyaatarada, madxafyada).
  • Adeegyada macbadka ee kaniisadaha, kaniisada-yuhuuda ama masaajida waa la oggolyahay, laakiin shuruudo: Masaafo ugu yaraan 1.5 mitir ah, maaskaro caafimaad waa in lagu xirtaa goobta, mana jireyso wax si wadajir ah loo qaado.

Tallaabooyinka waxay dhaqangalaan ilaa dhacdadu ey ka hooseyso 100 muddo shan shaqo-maalmood oo joogto ah. Fadlan ogow: Haddii dhacdadu ey ka hooseyso 100, xeerarka iyo hayndaabyada gobolka aad ku nooshahay ayaa lagu dhaqmaa.

Shaqo iyo Lacag

Difaaca ka hortaga xil ka qaadista ayaa sidookale jira inta lagu jiro caabuqa corona. Haddii shaqaaleysiyahaaga uu dalbey shaqo wakhti-gaaban ah, waxaad heli karaysaa gunno shaqo wakhti-gaaban ah muddo ilaa 24 bilood ah. Waxay isugu tagi kartaa ilaa 87 boqolkiiba waxa kaa lumay dakhligaaga. taee Wasaarada Shaqaalaha Federaalka iyo Arrimaha Bulshada waxay bixisaa xog luuqado badan ku baxa ee ku aadan arrimaha sharciga shaqaalaha.

Shaqaaleysiyaha waa inuu u suurto galiyaa in shaqaalihiisa ey kasoo shaqeeyaan guriga haddii eysan jirin sababo macquul ah ee shaqo taa bedelkeed. Shaqaaluhu waa iney aqbalaan soo jeedinta haddii eysan jirin sababo taa bedelkeed ah.

Waxaa sidookale jira gargaar loo fidiyo shirkadaha, iyadoon ku xirneyn siday ey uwaynyihiin. Waxaa jira daymo, deeqo ama canshuur dhimis. Dhamaan xogta waxay ku jirtaa Wasaarada Dhaqaalaha iyo Tamarta.

Ardayda ku jira xaalad cakiran ee dhaqaale waxay deeq codsan karaan Studierendenwerk beantragen. Waxay noqonkartaa ilaa 500 euro bishiiba. Waxaa sidookale jira demaha ardayda ee KfW oo loogu talagalay ardayda ajaaniibta ah.

Soo galista iyo ka bixista

Xeerka guud: Safarka aan lagama maarmaanka ahayn waa in laga fogaadaa. Gobolada shakhsiyaadk ah, xitaa EU oo jirta, waxay sii wadi karaan iney xaddidaan soo galista ama ey qasbaan karantiil xiliga soo galista. Fadlan halkan ku wargeli naftaada waxa ku saabsan xayndaabyada soo galista ee haddeertan iyo xakamaynta xuduudaha Auswärtigen Amt iyo halkan Wasaarada Federaalk ee Gudaha.

Dhamaan dadka soo galaya Jermalka ee ka yimaada goobaha halista ah waa iney soo gudibiyaan oo digital ah diiwaangelinta soo galista

buuxiyo. Waa inaad sidookale qaadataa tijaabo 48 saac ka hor intaadan soo galin ama isla markiiba kadib soo galista, inaad gashaa karantiil (10 maalmood; tijaabo negatif ah ee maainta 5aad soo galista kadib ayaa si hordhac ah u dhamayn karta karantiilka), waa inaysan kusoo booqan wax marti ah waana inaad naftaada ka xaadirisaa waaxda caafimaadka ee gudaha! Jabinta waajibaadka karantiilka waxay keeni karaysaa ganaax. Waxaad ka wardooni kartaa goobta laguugu tijaabiyo gadib markaad soo gashid adigoo wacaya 116 117.

Marka laga soo galayo goobo xalis daran ku jira, waa in tijaabo lasoo qaaday ka hor soo galista waana in caddeyn lasoo bandhigaa. Goobaha xalista daran kujira waxaa kamida gobolada sida gaarka ah tiro badan oo kiisas ah laga hely (goobaha dhacdo sare leh) iyo gobolada laga heley noocyo kala duduwan ee noocyada fayraska ah (goobaha noocyada fayraska) uu ku faafay. Cusub tan iyo Maarso 30, 2021: Dhamaan safarada duulimaadyada, tijaabada waa in lasoo qaato ka hor soo galista.

Wadamada ka tirsan goobaha xalista ama goobaha xalista daran waxaa laga heli karaa iyadoo lasoo cusbooneysiiyey si joogto Machadka Robert Koch.

Difaaca lagaga hortagayo rabsho

Xaalad gooni ah ee dhamaan qoyiska – tallooyinka looga hortago rabshada guriga dhexdiis iyadoo loo marayo hayndaabyada xiriirka inta ey jirto mudada Corona Soomaali
(Il: Dawlada Federaalka Guddiga uqaalbilsan Soogalootiga, Qaxootiga iyo Is-dhexgalka iyo Xarunta Caafimaadka Qowmiyadaha ee eV)